
Xulka Spain ayaa halis ugu jira inay ganaax ku waayeen Alvaro Arbeloa, Jordi Alba, Fernando Torres, Xabi Alonso iyo Javi Martinez oo dhamaantood min hal Hurdi u jira inay seegaan kulanka Semi-finalka ay la cayaarayaan xulka Portugal waase hadii ay caawa dhegta dhiiga u daraan xulka France. Go’aan adag ayey noqon doonaa hadii Torres uu sii wadanaayo booskiisa weerarka ama Del Bosque uu mar kale ciyaari doono hab uu ka maqan yahay Numberka Sagaal.
France ayaa guul darro kasoo gaartay kulankoodii ugu dambeeyey ee ciyaartii Group-ka xulka Sweden, markaaso guushii England ay u dirtay hogaanka halka wiilasha Laurent Blanc ay kusoo bexeen booska labaad.
Les Bleus ayaa weyn doonta difaacooda halbowlaha dhexe ee Philippe Mexes ka dib ciyaaryahanka AC Milan uu qatay hurdigiisii labaad kulankii ay guul daradu kasoo gaartay Sweden. Ciyaaryahanka kooxda Arsenal Laurent Koscielny ayey u badan tahay inuu booska difaaca dhexe ka garab ciyaari doono Adil Rami
France ayaa sidoo kale shaki ku jiraa ciyaartoydooda Samir Nasri iyo Franck Ribery, kuwaasooo seegay tababarkii arbacada laakiin waxay rajo ka qabaan inay ciyaaraan kulankaan, halka Yohan Cabaye ay u badan tahay inuusan ciyaari doonin ka dib markii looga saaray dhaawac bowdada ah kulankii ugu dambeeyey ee Group-ka. Jeremy Menez oo laga soo tegay kulankii guuldaradu kasoo gaartay xulka Sweden ayaana laga yaabaa inuu kusoo bilowdo kulankaan.
LINE_UPKA MACQUULKA AH:
SPAIN (4-2-3-1):� Casillas; Arbeloa, Ramos, Pique, Alba ;� Busquets, Alonso;� Iniesta, Xavi, Silva;� Torres.
FRANCE (4-2-3-1):� Lloris; Debuchy, Koscielny, Rami, Clichy;� Cabaye, M’Vila;� Menez, Nasri, Ribery;�Benzema
Ma Ogtahay?
- Spain ayaa lumiyey keliya laba kulan oo tartan heer caalami ah tan iyo October 2006, markaasoo guuldaro kasoo gaartay xulka United States ciyaar ka tirsaneyd Confederations Cup iyo Switzerland furitaankii koobkii aduunka ee 2010.
- Inkastoo dhawaanahaan uu halgan ugu jiray booskiisa weeraryahan Fernando Torres ayaa ah gooldhaliyaha ugu sareeya xulka haatan ee Spain isagoo dhaliyay 30 gool 96 kulan oo uu saftay.
- La Roja ayaa la yaab dhigtay ka dib markii ay sii laba jibaareen baasaskooda dhameystiran ee furitaankii sedaxdoodii kulan ee Group-ka iyagoo dhigay Rikoor ah 810 baas kulankii Ireland waxayna 198 baas kor uga qaadeen kulankii ay la ciyaareen Croacia.
- Kubad sameeyaha xulka Spain Xavi ayaa jebiyey Rikoor 20 sano jirsaday oo uu dhigay ciyaaryahankii xulka Holland Ronald Koeman ka dib markii uu dhameystiray 127 baas intii lagu guda jiray kulankii Ireland.
- France ayaa aragtay kulankoodii 23aad oo aan dhinacoda dhulka la dhigin inay soo idlaatay ka dib markii guuldaro kasoo gaartay ciyaartii ugu dambeysay Group D markaasoo dhinacooda ay dhulka dhigeen xulka Sweden.
- Les Bleus ayaa ah kooxdii ugu danbeysay ee tartan caalami ah ka reebta xulka Spain, ka dib markii goolal ay kala dhaliyeen Franck Ribery, Patrick Vieira iyo Zinedine Zidane ay ka caawisay inay Spain ku reebaan wareega 16ka ee koobkii adduunka ee 2006.
- Karim Benzema ayaa ku guuldarestay inuu shabaqa soo taabto afartiisii kulan ee ugu dambeysay ee tartahn heer caalami ah ee uu kusoo bilowday.
- Blanc ayay u tahay markiisii afaraad ee uu kala qeyb gelaayo koobka qaramada Yurub xulka France wuxuuna sedax mar kasoo qeyb galay isagoo ciyaaryahan ah.