
M’Vila ayaa dhaawac uu ka soo gaaray bowdada, halka sidoo kale tababare Blanc uu dhaawac ku waayay Loic Remy oo aan ka qeyb qaadan doonin koobkaan.
Karim Benzema ayaa ku bilaaban doona weerarka halkii uu ka ciyaari lahaa Oliver Giroud, halka Philippe Mexes ay u badan tahay inuu booskiisa sii xajisan doono, inkastoo uu cadaadis kaga imaanayo Laurent Koscielny.
Arimo dhowr ah oo la xiriira taam ahaanshaha iyo istaraatiijiyada ayaa ku hareereysan Roy Hodgson soo xulashadiisa. John Terry ayaa ku soo laabtay tababarka khamiistii ka dib markii uu xanuun ka sheeganayay waxaana la filayaa inay difaac dhexe kawada ciyaari doonaan Joleon Lescott.
Dhanka weerarka Andy Carroll iyo Danny Welbeck ayaa ku tartamaya inay ku bilowdaan, iyadoo Wayne Rooney uu ganaax ku maqan yahay, halka Defoe uu uusan ku jirin xaalad fiican ka dib geeradii aabihiis. Welbeck ayaa gool u dhaliyay Three Lions kulankii saaxiibtinimo ee Belgium, lakiin Hodgson ayaa laga yaabaa inuu ka doorbido xooga iyo dhererka Carroll. LINE-UPKA MACQUULKA AH:
France (4-2-3-1):� Lloris;� Debuchy, Rami, Mexes, Evra; Cabaye, Diarra; Nasri, Malouda, Ribery;� Benzema
England (4-4-1-1):� Hart;� Johnson, Terry, Lescott, Cole;� Milner, Gerrard, Parker, Downing; Young;� Carroll
MA OGTAHAY?
- France ayaa labo jeer hore u soo qaaday koobka Euro sannadkii 1984 iyo sannadkii 2000.
- Kaliya shan ciyaaryahan ayaa hal xilli ciyaareed wada ciyaaray finalka Champions League iyo finalka Euro. France waxaa laga yaabaa inay labo ciyaaryahan kale ku darto, ciyaaryahanka Bayern Munich Franck Ribery iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Florent Malouda.
- France ayaa qeyb ka aheyd ciyaartii goolasha ugu badnaa la iska dhaliyo ee taariikhda Euro, markii ay guuldarro 5-4 ay ka soo gaartay dalkii hore loo oran jiray Yugoslavia.
- Halyeeyga reer France haatana ah madaxweynaha Uefa Michel Platini ayaa heysta rikoorka seddexleyda ugu dhaqsiyaha badan taariikhda Euro. Waxa uu seddex gool ku dhaliyay 18 daqiiqo gudaheed markii Les Blues ay 3-2 ku garaaceen yugoslavia 1984tii..
- England ayaa wareega Group-yada ka gudubtay kaliya seddex jeer taariikhda Euro. Waxa ay gaareen semu-final 1964tii iyo 1996dii, iyo wareega 8da oo ay gaareen 2004tii.
- Roy Hodgson ayaa noqday tababarihii 14aad ee joogta ah ee qabta xulka Three Lions. Sidoo kale waa tababarihii seddexaad ee England qabta ee ku dhashay London.
- England guuldarro aya aka soo gaartay markii ugu danbeysay ee ay France isku wajaheed Euro. 2004tii Zinedine Zidane ayaa labo gool ka dhaliyay taasoo u sahashay in Les blues ay ku badiso 2-1.
- Lakiin guud ahaan inta jeer ee ay ciyaareen England waxa ay badisay 16 jeer halka France ay badisay 8 jeer 28 kulan oo dhexmaray labada xul.