
Valdes
Alves, Pique, Mascherano, Adriano�
Xavi, Busquets, Fabregas
Pedro, Messi, Villa
SPARTAK MOSCOW
Dikan
Kombarov, Insaurralde, Suchy, Kombarov
Romulo, Kallstrom
McGeady, Ari, Bil’yov
Dzyuba
Lionel Messi ayaa kursiga keydka ku bilowday kulankii ay Barcelona guusha ka gaartay Getafe kulankii isbuuc dhamaadka, lakiin kabtanka reer Argentina ayaa la filayaa inuu ku soo laabto booskiisa line-upka marka ay caawa ciyaarayaan kulankoodii ugu horeeyay ee Champions League.
Weeraryahanka kale David Villa ayaa isna filaya inuu ku soo bilowdo ka dib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii sabtida ee ay 4-1 kaga badiyeen Getafe.
Ciyaaryahan Alexis Sanchez ayaa u muuqda mid kooxda ku soo laabtay isagoo shalayto qeyb ka ahaa 22 ciyaaryahan oo isku diyaarineysay kulanka caawa, lakiin waxa ay u badan tahay inuusan ku bilaaban doonin.
Jordi Alba, oo hargab ku seegay kulankii Getafe ayaa isna sidoo kale qeyb ka ahaa tababarkii shalayto, iyo weli ciyaaryahanka da’da yar Gerard Deulofeu.
Tababaraha kooxda Spartak Unai Emery ayay qasab tahay inuu go’aansado hadii uu isku aaminayo kaliya inuu afka hore soo dhigto Artem Dzyuba qaab ciyaareedkiisa uu jecel yahay ee 4-2-3-1, gaar ahaan tan iyo ciyaaryahankii bedelay kulankii u danbeeyay Emmanuel Emenike oo dhaliyay gool ka caawiyay kooxda inay barbaro 2-2 la galaan Kuban.
MA OGTAHAY?
- Barcelona ayaa sarre u qaaday koobka kooxaha yurub muddo afar jeer ah, taasoo ka dhigeysa kooxda shanaad ee ugu guulaha badan taariikhda tartankaan.
- Ku guuleysigoodii ugu danbeeyay waxa uu ahaa 2011, markaasoo goolal ay kala dhaliyeen Pedro, Messi iyo Villa ay keentay inay finalkii 3-1 kaga qaadaan Manchester United.
- Kooxda Catalans ayaa ku dhameysatay kaalinta koowaad ee groupkeeda muddo 13 jeer ah intii koobkaan loo bixiyay Champions League 1992dii, waxa ay hal mar dheer yihiin Real Madrid iyo Manchester United.
- Marka lagu darro kooxda ay caawa ciyaarayan, Spartak Moscow ayaa ah kaliya shan kooxood oo wada badiyay lix ciyaar ee group-ka. Waxaana kooxda Russia ay sidaasi sameysay 1995-96.
- Messhii ugu sareysay ee ay abid Moscow ka gaarto koobka kooxaha yurub waxa ay aheyd Semi-final xilli ciyaareedkii 1990-91.
- Unai Emery ayaa ah tababarihii ugu horeeyay ee Isbaanish ah ee macalin u noqda kooxda, isagoo tagay bishii June ee sannadkaan ka dib afar sanno oo uu tababare u ahaa Valencia. Tababaraha kama uusan shaqeynin meel ka baxsan Spain isagoo ciyaaryahan ah ama tababare ah ka hor inta uusan tagin Moscow.