
LINE-UPKA MACQUULKA AHBARCELONA
Valdes
Alves, Puyol, Mascherano, Alba
Xavi, Busquets, Fabregas
Pedro, Messi, Iniesta
REAL MADRID
Casillas
Arbeloa, Albiol, Ramos, Marcelo�
Khedira, Alonso
Di Maria, Ozil, Ronaldo
Higuain
Alex Song ayaa laga yaabaa inuu si toos ah ugu biiro kooxda Barcelona ee caawa wajaheysa Real Madrid lugta hore ee Spanish Super Cup, ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe uu dhameystiray ka soo wareegitaankiisa Arsenal.
Alexis Sanchez, Andres Iniesta iyo Gerard Pique ayaa dhamaantood doonaya inay ku soo bilowdaan kulanka, halka David Villa la filayo inuu kursiga keydka ku bilowdo mar kale, inkastoo uu ka soo laabtay dhaawacii uu la maqnaa sideeda bilood kulankii axadii hore ee Real Sociedad.
Thiago Alcantara ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee dhaawac ku maqan, isagoo ka soo kabsanaya dhaawacaas, halka Eric Abidal aan weli loo ogolaanin inuu ciyaari karo tan iyo markii beerka loo bedelay.
Daafaca kooxda Real Madrid Pepe ayaa dhaawac madaxa ah ku seegi doona kulankaan ka dhacaya caawa Camp Nou, inkastoo uu codsaday inuu ciyaaro hadana dhaqaatiirta ayaa ka diiday oo digniin ka bixisay, waxaana sidoo kale Pepe loo diiday inuu isticmaalo aaladaha elektaroonikiska sida mobile, Computer iyo TV.
Raul Albiol ayaa booskiisa ka ciyaari doona sida uu xaqiijiyay tababare Jose Mourinho, halka Marcelo, Sami Khedira iyo Karim Benzema ay rajeynayaa in dib loogu soo yeero line-upka kooxda.
MA OGTAHAY?
- Barcelona ayaa la kulmeysa Real Madrid markoodii 220aad ee tartamada oo dhan, kooxda reer Catalans ayaa badisay 86 jeer halka Madrid ay badisay 87 jeer.
- Blaugrana ayaa kaliya ay hal guuldarro ka soo gaartay Real Madrid sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaaraan tartamada oo dhan, 4 ka mid ah iyaga ayaa badiyay halka seddexda kulanka kale ay barbaro galeen.
- Barca ayaa badisay seddexdii koob ee ugu danbeysay ee Supercopa, iyagoo ka qaaday Madrid (2011), Sevilla (2010) iyo Athletic Bilbao (2009).
- Lionel Messi ayaa 13 gool ka dhaliyay 19 El Clasico oo uu ciyaaray tartamada oo dhan. aliya Cesar Rodriguez ayaa goolal intaas ka badan Barcelona u dhaliyay iyagoo ka horimaanaya Madrid, waxaana uu ka dhaliyay 14 gool.
- Real Madrid ayaa laga badiyay kaliya hal jeer intii uu Jose Mourinho macalin u ahaa afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Comp Nou, kulan iyaga ayaa badiyay halka labada kulan kale ay barbaro galeen.
- Guud ahaan rikoorka Jose Mourinho ee ciyaaraha El Clasico waa sida tan: labo guul, afar barbaro, shan guuldarro.
- Sideed ka mid ah 10kii casaan ee ugu danbeysay ee laga bixiyo kulan El Clasico ah waxaa qaatay ciyaartoyda Real Madrid.
- Cristiano Ronaldo ayaa lix gool ka dhaliyay 16 kulan oo uu ka horyimid Barcelona oo ay ku jirto waqtigiisii Manchester United.