
Denmark oo haatan ugu sareysa Group B ka dib guushoodii lama filaanka ee ay ka gaareen Netherlands ayaa iyadana rajo weyn ka leh inay xaqiijistaan booskooda wareega 8da.
Tababaraha xulka Denmark Morten Olsen ayaan dhankiisa uusan jirin dhaawac cusub oo uu ka walwalo ka hor kulanka caawa ay Portugal kula leeyihiin Lviv, iyadoo ay u badan tahay inuu 62 jirkaas ku soo shirtago line-up la mid ah kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Netherlands.
Dhinaca Portugal, weeraryahan Hugo Almeida ayaa ka soo kabsaday duraygii uu qabay waxaana uu weerarka ka bedeli doonaa Helder Postiga, ka dib markii Postiga uu si aan soo jiidasho laheyn u ciyaaray kulankii guuldarada ay ka soo gaartay Germany, halka Ricardo Quaresma uu isna taam noqday ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah.
LINE-UPKA MACQUULKA AH: Denmark (4-2-3-1):� Andersen;� Jacobsen, Kjaer, Agger, S Poulsen;� Zimling, Kvist;� Rommedahl, Eriksen, Krohn-Dehli; Bendtner
Portugal (4-3-3):� Rui Patricio;� Pereira, Pepe, Alves, Coentrao ;� Meireles, Veloso, Moutinho;� Nani, Almeida, Ronaldo
MA OGTAHAY?
- Denmark waxa ay badisay 7 ka mid ah 9kii kulan ee ugu danbeysay oo ay ku jirto kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Portugak ee isreebreebka October sannadkii hore.
- Xulka Denmark ayaa Group-kooda kaalinta koowaad kaga soo baxay Portugal, isreebreebkii koobka Euro 2012 iyo koobkii adduunka 2010.
- Denmark ayaa badisay seddex ka mid ah shantii kulan ee ay labadan kooxood yeesheen shantii sanno ee ugu danbeysay.
- Simon Poulsen iyo William Kvist waxa ay calaamado hurdi ah qaateen kulankii Netherlands, waxana ay jaale kale u jiraan in kulanka seddexaad ee Group-ka ay seegaan.
- Portugal ayaan weli wax guul ah gaarin sannadkan 2012, iyagoo badiyay kaliya hal jeer 7dii kulan ee ugu danbeysay, waxaana ay dhaliyeen kaliya hal gool afartii kulan ee ugu danbeysay.
- Xulka finalka koobkaan yimid 2004tii ayaa la kulmi doona Denmark markii 13aad, iyagoo badiyay 7 ka mid ah, barbaro galay labo jeer, halka seddex kulan laga badiyay.
- Nani ayaa seddex gool ka dhaliyay afar jeer oo uu ka horyimid Denmark.
- Fabio Coentrao iyo Helder Postiga ayaa ganaax ku maqnaan doona kulanka soo socda hadii ay caawa jaale kale qaataan.
Ciyaarta: Denmark v Portugal
Waqtiga: 7da fiidnimo xilliga geeska Afrika
Garsoore: Craig Thomson (Scotland)