
Garoonka: Carrow Road
Waqtiga: 7:30 pm xilliga Soomaaliya
Norwich ayaa rajeyneysa in weeraryahankooda Robert Snodgrass uu diyaar u ahaado kulanka Arsenal ka dib markii uu Scotland u ciyaari wayay isagoo ka sheeganayay canqowga. Daafaca Steven Whittaker ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ka dib dhaawac uu la maqnaa xilli ciyaareedkan oo dhan. Weeraryahanka amaahda ku jooga ee Harry Kane ayaa isna dhaawac la maqan.
Dhanka Arsenal waxaa ka maqan daafaca Laurent Koscieln. Daafaca England Kieran Gibbs iyo Theo Walcott aya iyagana kulankaan seegaya, laakiin Emmanuel Frimpong ayaa laga yaabaa inuu qeyb ka noqdo kooxda ka dib dhaawac muddo dheer uu la maqnaa.
Goolhayaha koowaad Wojciech Szczesny ayaa isna dhaawac ah, halka Jack Wilshere uu qeyb ka yahay kooxda u safareysa Norwich, ciyaartoyda kale ee dhaawaca ah waxaa ka mid ah Tomas Rosicky, Abou Diaby iyo Lukasz Fabianski.
NORWICH CITY
Ruddy
Martin, Bassong, Barnett, Garrido
Johnson, Howson
E Bennett, Hoolahan, Surman
Holt
ARSENAL
Mannone
Jenkinson, Mertesacker, Vermaelen, Santos
Ramsey, Arteta, Cazorla
Gervinho, Giroud, Podolski
MA OGTAHAY?
- Arsenal ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 12kii kulan ee u danbeysay ee ay marti ahaayeen ciyaaraha horyaalka Premier League, waxa ay badiyeen 7 ka mid ah halka afarta kulan kale ay barbaro galeen.
- Norwich, ayaa taas cagsigeeda waxa ay badiyeen kaliya hal kulan 12kii kulan ee u danbeysay ee Premier League, iyadoo laga badiyay 7 kulan.
- Kooxda Gunners ayaa rikoor aad u fiican ku heysata garoonka kooxda Norwich, loogamana badin 12kii kulan ee u danbeysay ee ay u safreen Carrow Road.
- Santi Cazorla ayaa dhaliyay goolasha ugu badan ee laga soo toogto diilinta ganaaxa banaankeeda in ka badan ciyaaryahan kale oo ka ciyaara horyaalada yurub tan iyo August 2011, isagoo dhaliyay sagaal gool.
- Weeraryahanka Norwich Steve Morison ayaa goolal minan iyo martiba ka dhaliyay Gunners.