
Garoonka: Emirates Stadium
Waqtiga: 5ta galabnimo xilliga Soomaaliya
LINE-UPKA MACQUULKA AH:ARSENAL
Mannone
Jenkinson, M’sacker, Koscielny, Vermaelen �
Ramsey, Cazorla, Arteta
Gervinho, Giroud, Podolski
QPR
Julio Cesar
Bosingwa, Nelsen, Diakite, Traore
Park, Granero, M’Bia
Hoilett, Zamora, Taarabt
Arsenal ayaa weli la dhibtooneysa liis dheer oo dhaawacyo ah, iyadoo Wojciech Szczesny iyo Lukasz Fabianski ay weli goolka ka maqan yihiin, sidaasi darteed Vito Mannone ayaa sii ahaan doona goolhayaha koowaad.
Bacary Sagna oo lugta ka jabnaa ayaa ku soo laabtay garoomada, waxaana uu u ciyaaray kooxda juunyeerka, laakiin uma badna inuu ku soo bilaaban doono kulanka maanta.
Si la mid ah Jack Wilshere ayaa isna garoomada ku soo laabtay islamarkaana u ciyaaray kooxda juunyeerka, laakiin Wenger ayaa hore u sheegay inuusan ciyaaryahanka khadka dhexe kula soo degdegi doonin inuu u adeegsado kooxda koowaad.
Si kastaba, Kieran Gibbs, Alex Oxlade-Chamberlain, Abou Diaby, Tomas Rosicky iyo Theo Walcott ayay u badan tahay inay kulankaan ka maqnaan doonaan.
Dhanka QPR, Fabio ayaa laga yaabaa inuu ka soo laabto dhaawac, laakiin Andy Johnson iyo Kieron Dyer ayaa labadoodaba dhaawac ku maqan.
MA OGTAHAY?
- Arsenal ayaa laga badiyay seddex ka mid ah shantii kulan ee u danbeysay tartamada oo dhan.
- Labaad kulan ee xilli ciyaareedkii hore ee labadan kooxood, kaliya farqiga guushooda waxa uu ahaa hal gool, iyadoo Arsenal ay 1-0 ku badisay kulankii Emirates, halka QPR� ay 2-1 ku badisay kulankii Loftus Road.
- Mikel Arteta ayaa seddex kulan u jira inuu safto kulankiisii 350aad ee horyaal uu ciyaaro.
- Labada kooxood ayaa shan xilli ciyaareed iska horyimid intii koobka horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League, waxaana shan kulan oo ka mid ah 10kii kulan ay ciyaareen uu ku dhamaaday barbaro.
- QPR ayaa badisay kaliya hal kulan xilli ciyaareedkan, iyagoo ka badiyay kooxda Walsall koobka Capital One Cup.
- Markii ugu danbeysay ee Arsenal laga badiyo seddex kulan oo isku xigta waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii hore, markaasoo guuldarooyin ay ka soo gaareen Fulham, Swansea iyo Manchester Unuted.