
Garoonka: The Hawthorns
Waqtiga: 5ta galabnimo
West Brom ayaa waxaa laga yaabaa inuu ka maqnaado ciyaaryahanka kooxda khadka dhexe Youssouf Mulumbu marka ay la ciyaarayaan maanta kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City. Ciyaaryahanka reer Congo ayaa ku soo dhaawacmay intii uu la maqnaa xulkiisa, waxaana uu fursad yar u heystaa inuu ciyaaro kulanka ka dhacaya The Hawthorns.
Weeraryahan Romelu Lukaku ayaa la filayaa inuu taam noqdo ka dib markii dhaawac yar uu canqowga ka soo gaaray, laakiin Steven Reid iyo Chris Brunt, Billy Jones iyo Boaz Myhill ayaa dhaawac kuwada maqan.
Kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City ayaa iyadana waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahanada khadka dhexe David Silva iyo Jack Rodwell. Labada ciyaaryahan ayaa dhaawacyo ay ku soo gaareen ciyaarihii heerka caalami ee ay u kala ciyaarayeen xulka Spain iyo xulka England ee da’doodu ka hooseyso 21 jirada.
Daafaca Maicon ayaa isna weli ku maqan dhaawac cagta ah.
WEST BROM
Foster
Olsson, Popov, McAuley, Tamas
Morrison, Mulumbu, Yacob, Gera
Lukaku, Odemwingie
MANCHESTER CITY
Hart
Richards, Kompany, Lescott, Kolarov
Milner, Yaya Toure, Garcia, Nasri
Tevez, Aguero
MA OGTAHAY?
- West Brom ayaan gool ka dhalinin Manchester City afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen Premier League.
- Si kastaba, kooxda Steve Clarke ayaa badiyay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkooda ku martigeliyeen Manchester City.
- West Brom ayaa badisay lix kulan, waxaana laga badiyay kaliya hal kulan sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay Premier League ku ciyaareen garoonkooda.
- Carlos Tevez ayaa shan gool ka dhaliyay afar kulan uu ka horyimid Premier League kooxda West Brom.
- Manchester City ayaa shuudadka goolka ku abaaran tuurtay ilaa iyo haatan horyaalka in ka badan koox kale