
Garoonka: San Siro
Waqtiga: 9:45 p.m xilliga Soomaaliya.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:FC INTERNAZIONALE
Handanovic
Juan,� Ranocchia, Samuel
Zanetti,Guarin,Pereira,Cambiasso,Nagatomo
Cassano, Milito
ACF FIORENTINA
Viviano
Roncaglia, Tomovic, Rodriguez�
Pasqual, Valero, Pizarro, Romulo, Cuadrado
Ljajic, Jovetic
Inter ayaa isha ku heysa inay sii wado guusheedii ay habeenki arbacada ka gaartay kooxda Chievo, iyagoo raadinaya guushoodii ugu horeysay ee San Siro ee xilli ciyaareedkan. Ka dib guuldaradoodii lama filaanka aheyd ee ka soo gaartay Siena, tababare Andrea Stramaccioni ayaa isbedel ku sameeyay qaab ciyaareedka kooxdiisa, isagoo doortay inuu ku soo shirtago daafac seddex ah.
Stramaccioni ayay u badan tahay inuusan isbedel weyn ku sameyn doonin line-upkiisa, inkastoo maqnaanshaha Wesley Sneijder ay muran la’aan tahay dhabarjab weyn, hadana waxa ay heystaan Antonio Cassano oo bedel isagoo ku soo galay gool ka dhaliyay kooxda Chievo ee lagu naaneeso dameerada duula, waxaana uu afka hore kala ciyaari doonaa Diego Milito.
McDonald Mariga, Dejan Stankovic iyo Rodrigo Palacio ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan, inkastoo Christian Chivu uu taam yahay mar kale.
Ka dib kulan ay qaab ciyaareed weyn soo bandhigeen ee Juventus, Viola ayaa raadineysa inay dhibaato ku noqoto koox kale oo weyn oo Serie A ah. Kooxda Vincenzo Montella ayaa qaab ciyaareed wacan soo bandhigtay kulankii ay la ciyaareen Juventus iyagoo barbaro ku kala baxay.
Ka dib qaab ciyaareedkaas Montella ayaan wax isbedel ah ku sameyn doonin line-upkiisa, inkastoo dhaawac ay kaga maqan yihiin Alberto Aquilani iyo Mounir El Hamdaoui.
MA OGTAHAY?
- Kulankii San Siro ka dhacay xilli ciyaareedkii hore ee labadan kooxood Inter ayaa ku badisay 2-0.
- Antonio Cassano ayaa ah ciyaaryahan ugu goolasha badan Inter isagoo dhaliyay seddex gool shan kulan uu saftay. Iyadoo labo kulan oo ka mid ah uu ka soo kacay kursiga keydka.
- Inter waxaa la aasaasay 1908, waxaana ay horyaalkoodii ugu horeysay ku guuleysteen labo sanno ka dib.
- Fiorentina ayaa haatan ku jirta kaalinta 6aad ee Serie A, iyadoo kaliya hal kulan laga badiyay xilli ciyaareedkan.
- 26ka ciyaaryahan ee kooxda waa weyn ee Fiorentina, 17 ka mid ah waxa ay kooxda ku soo biireen xagaagii.
- Fiorentina ayaa ku guuleysatay labo jeer horyaalka Serie A, koobkoodii ugu danbeeyay waxa uu ahaa 1968-69.