
Garoonka: Stadio Communale Friuli
Waqtiga: 4ta galabnimo xilliga Soomaaliya
LINE-UPKA MACQUULKA AH:UDINESE
Padelli
Benatia, Danilo, Domizzi
Basta, Pereyra, Pinzi, Willians, Armero
Barreto, Di Natale
AC MILAN
Abbiati
Abate, Bonera, Mexes, Antonini
Nocerino, Montolivo, De Jong
Boateng
Pazzini,� El Shaarawy
Udinese `ayay tahay inay seddex bedel ku sameyso kooxdeedii barbaraha 2-2 la gashay Siena isbuucii hore.
Andrea Lazzari ayaa ka maqnaan doona ka dib casaankii uu ku qaatay Stadio Artemio Franchi, waxaana garabka bidix ka bedeli doona Pablo Armero.
Dhinaca kale Roberto Pereyra ayaa soo laabtay, waxaana ay muuqtaa inuu khadka dhexe kala bixi doono Giovanni Pasquale, halka Willians isna la filayo inuu bedelo Allan.
Sida kale, waxa ay u badan tahay inay ku soo shirtagi doonaan kooxdii isbuucii hore. DanielePadelli ayaa shabaqa waardiyeeyn doona, isagoo kala hagi doona daafacyada Mehdi Benetia, Danilo iyo Maurizio Domizzi.
Giampiero Pinzi ayaa hogaanmin doona khadka dhexe, halka gooldhaliye Antonio Di Natale uu isna hogaamin doono weerarka.
Dhanka AC Milan iyaga xitaa waxaa la filayaa inay seddex bedel ku sameeyaan line-upkoodii kulankii guuldarada ay ku soo gaartay San Siro ee isbuucii hore.
Philippe Mexes ayaa soo laabtay waxaana la filayaa inuu daafac dhexe ka bedelo Francesco Acerbi. Khadka dhexe ciyaaryahanka cusub Riccardo Montolivo ayaa bedeli doona Massimo Ambrosini, halka AntonioNocerino uu isna booska kala bixi doono Urby Emanuelson.
Nigel De Jong ayaa ceshan doona booskiisa burburiyaha, halka Kevin-Prince Boateng uu qabsan doono shaqadiisa ah inuu quudiyo El Shaarawy iyo Giampaolo Pazzini oo weerarka kawada ciyaaraya.
MA OGTAHAY?
- AC Milan ayaa ku bilaabatay sideedii ugu xumeyd horyaalka Serie A muddo 80 sannadod ah, iyadoo laga badiyay labo kulan badisayna hal kulan seddexdii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen.
- Kevin-Prince Boateng ayaa ah ciyaaryahan kaliya ee ka ciyaaraya Serie A ee isku dayay shuudadka goolka (13) isagoo aan weli shabaqa soo taabam.
- Kulankii xilli ciyaareedkii hore ee Udinese marti loo ahaa waxaa 2-1 ku badisay AC Milan. El Shaarawy iyo Maxi Lopez ayaana goolasha u dhaliyay Rossoneri.
- Udinese ayaa si lama filaan ah iyada lafteed so xun ugu bilaabatay horyaalka xilli ciyaareedkan, iyadoo laga badiyay labo kulan, hal kulana barbaro gashay.
- Weeraryahanka kooxda lagu naaneeso Zebrette Maicousel ayaa ku dhaliyay gool taabashadiisii ugu horeysay ee kubada cagta Talyaaniga kulankii ay ku furteen xilli ciyaareedkan ee Fiorentina.