
NETHERLANDS
Stekelenburg
Van Rhijn, Heitinga, Mathijsen, Willems
Fer, Sneijder, Strootman
Narsingh, Huntelaar, Robben
TURKEY
Tolga Zengin
Gonul, Toprak, Kaya, Kaldirim
Hamit, Mehmet Topal, N. Sahin
Sararer, Burak, Arda
Xulka Netherland malahan dhaawac badan oo ciyaaryahanadiisa ay qabaan kulanka Jimcaha kahor, balse waxaa ka maqnaanaya ciyaaryahano hore ugaga mid ahaa xulka.
Tababare Louis van Gaal ayaa hore ugaga saaray xulka Mark van Bommel iyo Khalid Boulahrouz kadib Euro 2012, waxana uu haddana ka reebay xulka ciyaaryahanada kala ah Gregory van der Wiel, Nigel de Jong, Rafael van der Vaart iyo Ibrahim Afella isagoo tababaruhu aaminsan inaysan qaadan tababar ku filan maadaama ay ku mashquulsanaayeen kala wareejin ay kooxahooda u wareejinayeen kooxo kale.
Ajax daafaca midgeed ee Ricardo vanRhijn ayaa la fialayaa in uu ciyaarsiiyo sidoo kale qadka dhexe ayaa waxaa ka ciyaari doona Leroy Ferka Twente halka uu ka ciyaari lahaa De Jong.
Robin van Persie ayaa laga yaabaa inuu kursiga keydka geliyo maadaama uu tababare Van Gaal uu ka jecel yahay in lambarka 9aad uu siiyo weeraryahanka Klaas-Jan Huntelaar.
Tababare Abdullah Avci waxa ka maqnaanaya goolhayihiisii koowaad Volkan Demirel oo dhaawac awgii u safan karin.
Sidoo kale waxaa ka maqnaanaya Sabri Sarioglu iyo Mustafa Pektemek oo dhaawacyo qaba.
Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Galatasaray Selcuk Inan ayaa la rajaynayaa in uu ciyaaro kadib uuna soo bandhigo qiimihiisa kulanka caawa balse waxaa laga yaabaa inuusan ka mid noqon ciyaaryahanada garoonka lagu bilaabo.
Ma Ogtahay?
Netherland waa laga badiyey afartii kulan ee ugu dambeysey ee ay la ciyaareen Denmark, Germany,Portugal iyo Belgium.
Dirk Kuyt ayaa ah ciyaaryahanka ugu waayo-aragsan kooxda Val Gaal isagoo ciyaaray 90 kulan oo heer caalami ah una dhaliyey 24gool.
Klaas-Jan Huntelaar ayaa la mid noqon doona halyeygii Johan Cruyff oo dhaliyey 33 gool haddii uu kulankan uu gool dhaliyo.
Turkey waxa ay la kulantay Netherland siddeed jeer oo hore, waxaana Turkiga laga badiyey saddex jeer, labo jeer Turkigaa badiyey halka inta kalana barbaro ku kala baxeen.
Xulka Turkey ayaa markii ugu dambeysey ee ay ciyaaro caalami ah u soo baxaan waxa ay ahayd ciyaarihii adduunka ee 2008 halkaa oo kulankii Semi finalka soo gaareen iyadoo xulka Jarmalka ay ka badiyen Turkiga.
Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Atletico Madird ee Arda Turan ayaa ah ciyaaryahanada u safan Turkiga ee ugu goolasha badan tartamada heer caalami waxana uu 25jirkan dhaliyey 13 gool .