
Darron Gibson ayay u muuqataa inuu yahay ciyaaryahanka kaliya ee seegaya kulankaan looga hor imaanayo kooxdiisii hore, iyadoo Marouane Fellaini la filayo inuu taam noqon doono.
Victor Anichebe ayaa isna la dhibtoonaya dhaawac lakiin ugu yaraan waxaa la filayaa inuu kursiga keydka soo fariisto, halka Steven Pienaar isna la filayo inuu mar kale isagoo ciyaaryahan Everton ah uu si joogta ah ugu safto kooxda.
Sir Alex Ferguson ayaa dhanka kale ay tahay inuu ka fekero dhaawacyo haya qaar ka mid ah ciyaartoydiisa gaar ahaan daafaciisa. Nemanja Vidic oo ka soo laabtay dhaawac muddo dheer ayaana laga yaabaa inuu daafac dhexe ka garab ciyaaro Michael Carrick kaasoo la filayo inuu bedeli doono Rio Ferdinand oo dhaawac uu soo gaaray halka Cris Smalling, Jonny Evans iyo Phil Jones ay dhaawacyo kuwada maqan yihiin.
Rafael ayaa isaga laftiisa la filayaa inuu seego kulankaan madaama uu xulka Brazil la gaaray finalkii ciyaaraha Olimbikada, taasoo la micno noqon karta in Valencia uu ciyaaro booskiisa iyadoo ciyaaryahanka da’da yar ee Michael Keane uu u fadhin doono isaga iyo Patrice Evra.
Darren Fletcher oo muddo dheer la sugaayay inuu garoomada ku soo laabto ayaa garoomada ku soo noqday isbuucii hore, lakiin inuu ciyaaro Premier League ayaa ah weli wax uu u baahan yahay inuu sugo, halka Robin van Persie isna lafilayo inuu afka hore ku soo bilowdo markii ugu horeysay isagoo ciyaaryahan Manchester United ah.