
Garoonka: Anfield
Waqtiga: 5ta galabnimo xilliga Soomaaliya
Goolhayaha kooxda Liverpool Pepe Reina ayaa wajahaya in baaritaan lagu sameeyo xilli danbe oo maanta ah ka dib markii dhaawac uu ka soo gaaray intii uu la maqnaa xulka Spain. Weeraryahanka Reds Fabio Borini ayaa isna seddex bilood garoomada ka maqnaan doona ka dib markii uu cagta ka jabay.
Laakiin daafacyada Jose Enrique iyo Jon Flanagan ayaa ku soo laabtay tababarka isbuucaan, halka ciyaaryahanka khadka dhexe Jonjo Shelvey uu ku seegayo kulanka Reading ganaax.
Dhanka kale weeraryahanka Reading Noel Hunt ayaa shaki uu ku jiraa inuu kulankaan ciyaari karo sababtoo ah waxaa dhibaato ay ka soo gaartay ciribta. Ciyaaryahanka khadka dhexe Mikele Leigertwood ayaa isna ka soo kabsaday dhaawac lugta ah.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
LIVERPOOL
Reina
Johnson, Agger, Skrtel, Jose Enrique
Gerrard, Allen
Henderson, Sahin, Sterling
Suarez
READING
McCarthy
Cummings, Mariappa, Gorkss, Harte
Kebe, Guthrie, Karacan, McAnuff
Pogrebnyak, Hunt
MA OGTAHAY?
- Liverpool ayaa kulankaan ciyaareysa iyadoo 6 dhibcood kaliya ka soo heshay 7dii kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen horyaalka.
- Reds ayaa badisay kaliya labo kulan 13 kulan oo ay ciyaareen Premier League sannadkan 2012, waxa ay barbaro galeen shan kulan, waxaana laga badiyay lix kulan.
- Daafaca Daniel Agger ayaa ah farshaxaniiste ku takhasusay shaabadaha jirka, waxaana uu u balanqaaday kooxda oo dhan inuu shaabado u sameyn doono hadii ay ku guuleystaan Premier League.
- Reading ayaa badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah 23kii ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen Premier League.
- Shan ciyaaryahan ayaa ka joogta ciyaartoydii ciyaartay markii ugu danbeysay ee Reading ay ka ciyaareysa Premier League xilli ciyaareedkii 2007-08.