
Garoonka: Old Trafford
Waqtiga: 5ta galabnimo xilliga Soomaaliya
Ciyaaryahan Ashley Young ayaa ku soo laabtay kooxda Manchester United ka dib markii uu ka maqnaa muddo labo bilood ah, waxaana laga yaabaa inuu qeyb ka ciyaaro kulanka Old Trafford ay maanta kula ciyaarayaan kooxda Stoke.
Young ayaa ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah, waxaana uu rajeynayaa inuu maanta ka horyimaado wiilasha Tony Pulis. Ciyaaryahan Cris Smalling oo ku dhow inuu taam buuxa noqdo ayaan isna la fileynin inuu ciyaaro kulankaan.
Tababaraha Stoke ayaa isna qiimeyn doonaa xaalada Glenn Whelan iyo Michael Owen oo isagu doonaya inuu ka horyimaado kooxdiisii hore.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
MANCHESTER UNITED
De Gea
Rafael, Ferdinand, Evans, Evra
Kagawa, Carrick, Anderson
Rooney
Van Persie, Hernandez
STOKE CITY
Begovic
Cameron, Shawcross, Huth, Wilson
N’Zonzi, Whelan
Walters, Adam, Kightly
Crouch
MA OGTAHAY?
- Manchester United ayaa ilaa iyo haatan goolasha ugu badan ku dhalisay kubada kooner la soo tuuray, waxaana ay ku dhaliyeen shan gool
- Robin van Persie ayaa rikoor fiican ka heysta Stoke, shan kulan oo uu ka horyimid horyaalka waxa uu ka dhaliyay lix gool.
- Javier Hernandez ayaa isna sidoo kale ku riyaaqaya rikoor fiican marka uu ka horyimaado Stoke, isagoo ka dhaliyay afar gool afar kulan oo uu ka horyimid.
- Stoke ayaan badinin 12kii kulan ee u danbeysay ee ay United kula ciyaaraan Old Trafford tartamada oo dhan, waxaana laga badiyay 11 ka mid ah halka kulanka kale ay barbaro galeen.
- Michael Owen ayaa laga yaabaa inuu markii ugu horeysay ka horyimaado maanta United tan iyo intii uu Red Devils si xor ah kaga tagay xagaagii.