
Kulanka: Norwich City v Liverpool
Garoonka: Carrow Road Stadium
Waqtiga: 5ta galabnimo xilliga Soomaaliya
Line-upka Macquulk Ah:�
NORWICH CITY
Ruddy
Martin, L.Barnett, Turner, Garrido
Snodgrass, Howson, Johnson,� Surman
Hoolahan
Holt
LIVERPOOL
Reina
Johnson, Skrtel, Coates, Enrique
Allen, Gerrard, Downing,
Sahin, Suarez, Sterling
Liverpool ayaa waxaa ka maqnaan doona Daniel Agger oo ku maqan dhaawac jilibka ah, Fabio Borini oo dhaawac yar uu xagta ka soo gaaray, Joe Cole oo dhaawac muddo la maqnaa, Martin Kelly oo jilibka uu dhaawac ka soo gaaray, Lucas oo dhaawac muddo dheer la maqan iyo Jonjo Shelvey oo ganaax ku maqan ka dib markii casaan toos ah uu qaatay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay axadii hore ee Manchester United.
Daafaca Norwich Sebastien Bassong ayaa garoonka ku jiray kaliya 8 daqiiqo kulankii Newcastle, waxaana uu la baxay dhaawac, iyadoo haatan la qiimeynayo inuu ciyaari karo, lakiin Simon Lappin, Steve Whittaker iyo Harry Kane ayaa dhamaantood dhaawac la maqan.
Tababare Chris Hughton ayaa dib ugu soo celiyay kooxda Elliott Bennett kulankii League Cup ka dib muddo dheer oo uu garoomada ka maqnaa waxaana laga yaabaa inuu ku soo laabto Premier League.
Liverpool ayaa kulankaan ciyaareysa xilli tababarahooda Brendan Rodgers uu ka dacwooday cadaalad darro ay ka tirsanayaan garsoorayaasha kulamadii ugu danbeysay, halka Luis Suarez oo ah ciyaaryahankii laga diiday rigoore uu isna sheegay in garsoorayaasha ay bani’aadam yihiin ayna qaldami karaan, balse uu rajeynayo inaysan soo laablaaban mustaqbal.
MA OGTAHAY?
- Norwich ayaa qaadatay jaalihii ugu horeysay ciyaartii ugu danbeysay ee ay ciyaareen Premier League, waxaana u ahaa jaalihii ugu horeeyay ee muddo 447 daqiiqo oo ay ciyaarayeen horyaalka.
- Kooxda lagu naaneeso Canaries ayaa kaliya hal gool looga dhaliyay garoonkooda Carrow Road xilli ciyaareedkan Premier League.
- Kooxda Chris Hughton ayaa si wadajir ah waxa ay garoonka ku dhex carareen 107 kiilomitir kulankii Newcastle, waana kooxda ugu weyn ee garoonka intaas jeer ku dhex carartay kaliya hal ciyaar ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.
- Kaliya Norwich (3.6 boqolkiiba) ayaa ka fursado xun marka ay timaado in goolal loo sarifo fursadaha kooxdaLiverpool (6%).
- Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay badiso mid ka mid ah shantii kulan ee horyaalka ugu horeysay, waana markii ugu horeysay ee ay sidaan ku dhacdo tan iyo 1911-12.
- Luis Suarez ayaa 27 ka mid ah darbooyinkiisa waxa ay ahaayeen kuwa aan goolka u dhaweyn, waana boqolkiiba 52 guud ahaan shuudadkiisa.
- Liverpool ayaa weli raadineysa kulankoodii ugu horeysay ee ay ku baxaan iyadoo aan shabaqa laga soo taaban xilli ciyaareedkan Premier League.
- Kaliya hal gool ayay dhaliyeen xilli ciyaareedkan iyagoo marti ah, Suarez ayaana ka dhaliyay Sunderland oo hal dhibic u sahlay.
- Liverpool ayaa 20 dhibcood ka heshay 24 kulan oo Premier League oo ay ciyaareen sannadkan 2012.