
Davis
Clyne, Hooiveld, Fonte, Fox
Davis, Schneiderlin, Lallana
Rodriguez, Lambert, Lee
MANCHESTER UNITED
De Gea
Rafael, Evans, Vidic, Evra
Cleverley, Carrick
Valencia, Kagawa, Nani
Van Persie
Southampton ayaa u laaban doonta qaab ciyaareedkooda 4-3-3, taasoo ay si fiican u la ciyaareen Manchester City kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan, iyadoo ciyaaryahanka sannadka ee horyaalka heerka labaad Rickie Lambert la filayo inuu hogaamin doono weerarka iyadoo ay caawin doonaan Jay Rodriguez iyo Tadanari Lee.
Guly Do Prado ayaa la filayaa inuu ka maqnaan doono kooxda ka dib dhibaatadiisa ka baxsan garoonka, iyadoo ay u badan tahay in saxiixyada cusub Maya Yoshida iyo Gaston Ramirez aysan ku bilaaban doonin, lakiin waxaa laga yaabaa inay kursiga keydka soo fariistaan.
Manchester United ayaa la filayaa inay ku soo shirtagaan koox la mid ah tii ay 3-2 ku garaaceen Fulham sabtidii hore. Jonny Evans ayaa si buuxda u soo kabsaday isagoo bartamihii isbuucaan ka dhex muuqday kooxda juunyeerka, lakiin waxaa laga yaabaa inaan lagu soo bilaabin inkastoo ay ka dhici karto inuu ciyaaro, hadana waxaa macquul ah in Michael Carrick uu ka sii garab ciyaaro Vidic daafaca dhexe.
Iyadoo Wayne Rooney uu dhaawac yahay ilaa bisha soo socota, Robin van Persie ayaa weerarka ku soo bilaaban doona iyadoo ay caawinayaan Kagawa, Antonio Valencia iyo Ashley Young.
MA OGTAHAY?
- Southampton ayaa qaab ciyaareedyo xoogan ku soo bandhigeysay garoonkooda ciyaaraha League Football, iyagoo badiyay 27 kulan oo ka mid ah 36 kulan oo ay ciyaareen seddexda horyaal hoose ee ay soo ciyaareen.
- Southampton ayaa ku garaacday Manchester United� mid ka mid ah guuldarooyinkoodii ugu cuslaa ee Premier League bishii October 1996kii, markaasoo seddexleey uu dhaliyay Egil Ostenstad ay ka caawisay inay ku badiyaan 6-3.
- Daafaca Nathaniel Clyne ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United ka hor inta uusan u saxiixin kooxda Southampton xagaagii.
- Southampton ayaa baadisay boqolkiiba 38 kulamadii ay garoonkooda kula ciyaareen Red Devils ciyaaraha heerka sarre. Kaliya Chelsea iyo Arsenal ayaa rikooro ka fiican heysta.
- Manchester United ayaa laga badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay Premier League ee ay marti ahaayeen.
- Robin van Persie ayaa casaan qaatay kulanka kaliya ee uu ku ciyaaray garoonka Southampton 2005tii markaasoo Arsenal iyo Southampton ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah.