
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
STOKE CITY
Begovic
Wilkinson, Huth, Shawcross, Wilson
Kightly, Palacios, Whelan, Etherington
Walters
Crouch
ARSENAL
Szczesny
Jenkinson, Mertesacker, Vermaelen, Gibbs
Diaby, Cazorla, Arteta
Walcott, Giroud, Podolski
Toney Pulis ayaa heysta dhaawacyp yaryar oo uu ka walwalo ka dib kulankii ugu horeeyay ee horyaalka iyadoo Jermaine Pennant uu shaki yar ku jiro. Si kastaba, waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahanka khadka dhexe Dean Whitehead kaasoo casaan la siiyay kulankii Reading ee isbuucii hore.
Wilson Palacios iyo Rory Delap ayaa u dagaalami doona inay bedelaan halka Jamie Ness isaga xitaa uu rajo qabo. Jonathan Walters ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro booska kubadsameeyaha ama 9ka labaad, iyadoo Peter Crouch uu noqon doonto weeraryahanka kaliya ee ka hore.
Arsene Wenger ayaa arkay kooxdiisa oo ku dhibtooneysa inay guul ka gaarto kooxda Sunderland isbuucii hore, lakiin waxaa laga yaabaa inuu ku adkeysto line-upkii ay barbaraha ku galeen Black Cats.
Inkastoo uu fursad qaali ah kulankaas qasaariyay Olivier Giroud ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo, isagoo bedelaya Gervinho, iyadoo Podolski uu ka ciyaarayo dhanka bidix ee weerarka seddexda ah.
Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ku soo laabtay kooxda ka dib markii uu ka maqnaa isbuucii hore lakiin Laurent Koscielny ayaan weli waqtigii saxdaa soo kabsan. Jack Wilshere, Emmanuel Frimpong, Tomas Rosicky iyo Bacary Sagna ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan.
MA OGTAHAY?
- Stoke City ayaa ku badisay garoonkeeda Britannia kaliya seddex kulan oo horyaalka ah sannadkan 2012, waxa ay ka badiyeen Swansea, Norwich iyo Wolves.
- Stoke ayaa laga dhaliyay shan gool daqiiqada ugu danbeysay ciyaarta sannadkan 2012, ka dib goolkii Le Fondre ee 90ka daqiiqo ee ay Reading ku barbareysay isbuucii hore.
- Stoke ayaa ku guuldareysatay inay badisay kulan Premier League ah tan iyo 7di Aprill, iyagoo ciyaaray 7 kulan ilaa iyo mudadaas.
- Afar kulan oo Premier League ah oo ay Britannia Stadium ku kulmeen labadaan kooxood Arsenal ayaa badisay hal jeer 2009-10, halka Stoke ay badisay labo jeer 2008-09 iyo 2010-11.
- Gunners ayaa badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, guushooda kaliya waxa ay aheyd West Brom oo ay ka badiyeen kulankii ugu danbeeyay ee xilli ciyaareedkii hore.
- Ma jiro ciyaaryahan ku jira kooxda Arsenal haatan oo gaaray ugu yaraan 10 gool horyaalka Ingariiska. Si kastaba xiddiga reer France Olivier Giroud ayaa 21 gool u soo dhaliyay xilli ciyaareedkii hore kooxda Montpellier.
- Arsenal ayaa 7 kulan shabaqa goolal ka ilaashatay 17 kulan oo horyaalka ah oo ay ciyaareen sannadkan 2012.