
Ka dib markii ay amaah kala soo wareegeen Arsenal ciyaaryahanka reer Japan Ryo Miyaichi, kooxda ayaa sidoo kale ku adkeysay weerarkeeda saxiixa ciyaaryahankii Levante Arouna Kone, iyagoo isku diyaarinaya nolol uu ka maqan yahay Hudo Rodallega. Victor Moses ayaa isna laga yaabaa inaan la ciyaarsiinin madaama lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqo Chelsea.
Sida kooxda martida loo yahay, Chelsea waxa ay kulankaan ciyaareysa iyadoo aan wax dhaawac cusub ah qabin, halka Branislav Ivonic uu diyaar u yahay kulankaan inkastoo uu casaan qaatay koobkii Community Shield kaasoo loo xisaabiyay koob aan aheyn tartan rasmi ah sidaasi darteedna uusan ganaax ku muteysaneynin.
Kooxda ayaa u baahnaan doonta inay hubiyaan taam ahaanshaha Daniel Sturridge, kaasoo dhaawac uga haray kulankii England iyo Italy, lakiin waxa ay u badan tahay inuu ka qeyb qaadan doono kulankaan, halka Marko Marin uu weli dhaawac la maqan yahay.
MA OGTAHAY?
- Wigan ayaa dhalisay 42 gool horyaalka xilli ciyaareedkii hore, waana in ka yar intii ay dhaliyeen kooxihii horyaalka heerka labaad u laabtay Bolton (46) iyo Blackburn (48).
- Kooxda Wigan ayaa kulankaan martida loo yahay kiisii xilli ciyaareedka hore waxa ay barbaro 1-1 ah la galeen Chelsea, iyadoo gool uu u dhaliyay Jordi Gomez uu kansalay goolkii uu ciyaarta ku furay Daniel Sturridge.
- Ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa kooxda ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore waxa uu ahaa weeraryahankii horee Chelsea Franco Di Santo, kaasoo dhaliyay 7 gool.
- Victor Moses ayaa lagu wadaa inuu dhameystiro u wareegitaankiisa kooxda Stamford Bridge ka dhisan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
- Chelsea ayaa ku qarashgareysay suuqa kala iibsiga xagaagan 65 milyan ginni, iyagoo soo iibsaday ciyaaryahano ay ka mid yihiin Eden Hazard, Oscar iyo Marko Marin.
- Frank Lampard iyo Juan Mata ayaa marka la isku geeyo waxa ay dhaliyeen oo ay caawin ka geysteen 35 ka mid ah 63dii gool ee ay Chelsea dhalisay xilli ciyaareedkii hore.
- Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii hore ku dhameysatay iyadoo 10 kulan kaliya aan shabaqa laga soo taabanin, waana in ka yar 7 intii ay shabaqa ilaashatay kooxda horyaalka qaaday Manchester City.