
Afhayeen Barcelona u hadlay ayaa xaqiijiyay in kooxda ay tikidh siisay Gilad Schalit, kaasoo in muddo ah maxbuus u ahaa xoriyad u dagaalka ururka Hamas ee Falastiin.
Schalit ayaa la sii daayay bishii October ka dib markii Hamas iyo Isreal ku heshiiyeen inay isdhaafsadaan maxbuusyada.
Afhayeenka Barcelona u hadlay ayaa sheegay inay inta badan kooxda bixiso tikidho lagu sharfo dadka qaar, lakiin sarkaal u hadlay Hamas Attallah Abu Al Subah ayaa sheegay in TV ku yaala Gaza inaan laga baahin doonin ciyaaraha Barcelona wixii ka bilowda khamiista.
Ma jiri doono wargeys ka soo baxa marinka Gaza oo isna wax ka qori doona arimo ku saabsan kooxda.