
Kulanka labada koox oo ahaa mid hore u baaqday ciyaartii Super Cupka ay Atletico ka badisey Chelsea ayaa waxa ay ku dhamaatay 4-2 gool oo ay ku badisey Atletico.
Kooxda Betis ayaa goolka ku hormartay daqiiqadii 25aad hase yeeshee Falcao ayaa saddex daqiiqo kadib u barbareeyey kooxdiisa balse Betis oo garoonkeeda lagu ciyaarayay ayaa gool labaad dhalisey dhamaadkii qeybtii hore waxayna qeybtii hore ku dhamaatay iyadoo kooxda Betis ay ku hogaaminayso 2-1.
Hase yeeshee bilowgii qeybtii labaad markii ay socotay saddex daqiiqo ayaa kooxda Atletico waxaa ay heshay rigoore kaasoo uu u laaday Falcao kana dhigey ciyaarta 2-2.
Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa kooxda Atletico u suurtogashay inay labo gool kale dhaliyaan taasoo ka dhigtey ciyaarta 4-2.
Kooxda Atletic Madrid ayaa waxa ay leedahay 13 dhibcood halka kooxda hogaanka horyaalka La Ligaha haysa ee Barcelona ay ka leedahay 15 dhibcood.