
United ayaa dhawaan heshiis qaali ah la gashay shirkada gawaarida sameysa ee Mareyknka ee Chevrolet, kuwaasoo lagu xayaysiin doono maaliyada United laga bilaabo xilli ciyaareedka 2014-15.
Ka dib heshiiska, Chevrolet oo xiriir wanaag ka shaqeyneysa ayaa u soo bandhigtay ciyaartoyda Man United gawaarideeda raaxada, waxaana durbadiiba qaatay qaar ka mid ah ciyaartoyda magaca leh ee kooxda u ciyaaraya.
Si kastaba, jariirada Ingariiska ee Daily Mail ayaa ogaatay in Ferguson uu durabadiiba soo dhexgalay arinta, isagoo soo saaray sharci ah in ciyaaryahan ka yar da’da 23 sanno doorka uu doono kooxda hakaga jiree inuusan kaxeyn karin gaari Sports ah.
Taasoo la micno ah ciyaartoyda da’da yar sida Welbeck, 21, iyo Daafacyada Phil Jones, 20, Chris Smalling, 22, iyo Rafael, 22, inay mamnuuc ka tahay inay kaxeystaan gaari uusan soo ogolaan tababare Ferguson.
Arintaan uu ku dhaqaaqay Ferguson ayaa ah waxa uu caan ku yahay, waxaana uu doonayaa in xiddigaha da’da yar aysan isku maleynin xiddigo waa weyn oo heerkii ay doonayeen gaaray.
Ferguson ayaa arimahan sidaan oo kale ah ku adadag mar walba.
Labo sanno ka hor, tusaale ahaan, waxaa soo muuqatay in ciyaartoyda juunyeerka loo diiday inay xirtaan kabo midabo leh.