
Man United ayaa guuldarro 3-2 ay ka soo gaartay Tottenham, oo muddo 23 sanno ka dib ku badisay Old Trafford ciyaaraha Premier League.
Sir Alex ayaana aaminsan in waqti ku filan oo dheeri ah inaan ciyaarta lagu darin.
“Waxa ay aheyd guuldarro laga xumaado sababtoo ah rikoorka aan heysanay waxa uu ahaa mid fantastik ah.” ayuu yiri SAF ciyaarta ka dib.
“Waxa ay ciyaarta ku dareen afar daqiiqo, aflagaado ayayna ku tahay ciyaarta. Waxa ay ka beenineysaa fursad fiican oo aad ku badin laheyd ciyaarta.
“Waxaa jiray lix bedel oo la sameeyay intaas ayaaba afar daqiiqo ay ku dhuntay, goolhayaha waxa uu waqtiga qasaariyay labo ilaa iyo seddex daqiiqo, mar walba waqtigooda ayay qaadanayeen marka ay kubad soo tuurayaan. Qof walba waa ay u cadeyd taas.
“Dib u socod ayayna ciyaarta ku tahay in garsooraha uu mas’uul ka noqdo ilaalinta waqtiga. Waa wax doqonimo ah in iyadoo la marayo 2012 in garsooraha uu weli koontaroolayo waqtiga.”
Tababaraha Spurs Andre Villas-Boas ayaan isaga aysan ka soo yeerin wax cabasho ah, waxaana uu ku qanacsanaa rikoorka uu ka jabiyay United, kaasoo soo bilowday isagoo 11 jir ah 1989kii.
“Waxaan u qornay kooxdeena taariikh. Maqsuudkana halkaas ayuu ka imaanayaa” ayuu yiri.