
Arintaan ayaa noqotay mid laga hadlo ka dib markii weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero uu sheegay inay adag tahay in ciyaartoyda ajnabiga loo dhigo qalad lagu galay marka loo fiiriyo ciyaartoyda Britian.
Pablo Zabaleta iyo Carlos Tevez ayaa laga beeniyay rigoorooyin kulankii ay 2-1 Manchester City kaga badisay Fulham, waxaana Aguero uu soo jeediyay in garsoorayaasha Premier League inay inta badan u janjeeraan ciyaartoyda England.
Si kastaba, tababare Ferguson ayaa wax kama jiraan ku sifeeyay sheegashada Aguero, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in ciyaartoyda ajnabiga inay yihiin kuwa inta badan si beenbeen ah isku tuurtuura si loogu dhigo rigoore ama laad xor ah.
Ka hor kulan ay caawa la ciyaarayaan Cluj, Ferguson ayaa yiri:
“Uma qalanto in arintaan si faahfaahsan looga hadlo sababtoo ah muddo sannado ah waxaa jiray ciyaartoy badan oo garoonka isku tuurtuura, gaar ahaan ciyaartoyda ajnabiga.”