
“Waxaa jira cadaadis badan intii ay ciyaartu socotay, laakiin Atletico way xaliyeen taas” ayuu saxaafada u sheegay Fernando Llorente. “Dhibku waxa uu ahaa waxay ku bilaabeen dardar, isla markiina waxa ay keeneen gool. Waxaan haysanay fursado aan ku barbarayn karnay, hase yeeshee markii ay noqotay 2-0 waan sii daciifnay waxana cadaatay inay guulaysteen. Waa inaan wax kabaranaa khaladaadkii aan galnay” ayuu sii raaciyay.
Inkasta oo Barcelona ay ugu cadcadahay hanashada Copa del Ray hadana Florente ayaa sheegay inayna waxba ka dhagaysan doonin kooxda Pep guardiola.
Ciyaaryahanka ayaa intaa sii raaciyay in ay ogyihiin in ay laciyaarayaa koox fiican marka kana adag kooxdii ka qaaday Europa League hase yeshee aanay kooxa wanaagsani mar walba guulaysan.
:Waa inaan saadaalinaa wax fiican, waana inaynaan ka fikirin guuldaro, isla markaana wax walba u hurnaa. Hadii aan u ciyaarno si boqolkiiba boqol ah fursado waan haysanaa”.