
28 jirkaan ayaa fursadiisa uu u ciyaaro La Roja ciyaaraha Euro 2012 waxaa la geliyay mugdi ka dib markii laga soo tagay kulankii saaxiibtinimo ee Febraayo ee ay la ciyaareen Venezuela.
Torres ayaa lagu soo daray haatan xulka hordhaca ee Spain taasoo calaamad u ah inuu ka mid noqon karo 23ka ciyaaryahan ee tababare Del Bosque uu ku dhawaaqi doono, taasoo neef weyn ka soo fujisay xiddigii hore ee Liverpool.
“Haa, waxaan isku arkay in la iga soo tagi doono” ayuu Torres u sheegay website-kiisa rasmiga.
“Wax wicitaan ah ma aanan helin oo sidaan oo kale ah”.
“Spain xaq ayay u leedahay in loogu yeero xulka ugu cadcad koobkaan, lakiin wax qiimo ah ma lahaaneyso hadii aanan garoonka ku soo bandhigin sidaas”.
“Seddex koob oo waa weyn oo isku xigxiga waa wax aysan cidna sameynin hada ka hor. Hadii aan sidaasi sameyno waxaana noqon doonaa wax ay adduunyada u soo tixraacaan sababtoo ah dadka waxa ay ka hadli doonaan jiilkaan muddo sannado ah”