
Cawskaan oo inta badan la dhigo garoomada caalamiga ah ee kubada cagta ayaa shalayto lagu soo bandhigay garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho, waxaana la rajeynayaa in garoonkaasi lagu fidin doono.
Xuquuqda Sawirka: Radio Muqdisho
Xogahaya xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya C/Qani Siciid Carab ayaa warfidiyeenada ugu sheegay garoonka dhexdiisa in deeqdaan ay ka soo gaartay xiriirka kubada cagta adduunka ee FIFA islamarkaana ay wax weyn ka tareyso fayow qabka ciyaartoyda marka ay garoonka ku ciyaarayaan.
Xiriirka Soomaaliya ee kubada cagta ma aysan sheegin xilliga la soo gabagabeynayo dhigista cawskaan garoonka Koonis, lakiin gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cali Saciid Guuleed ayaa sheegay inuu rajo ka qabo in sidoo kale cawskaan la geeyo garoomada kale ee ku yaala dalka.