
Weeraryahankii hore ee Manchester United ayaa ka careysiiyay Vioal ka dib markii ay sheegeen inay jabiyay heshiiskooda si uu u texgeliyo dalab uga yimid Juventus, isagoo aakhirkii ku biiray kooxda Fulham.
Kooxda ayaa weli ka careysan arintaas, waxaana ay doonayaan in magdhow laga siiyo arinta oo dhan.
“Waxaan weydiisan doonaa inay noo soo celiyaan lacagtii aan ku bixinay tikidhahda,” ayuu Prade u sheegay Radio Blu.
Agaasimaha ayaa sidoo kale mar kale weeraray ciyaaryahanka, isagoo sheegay in bisha Janaayo ay isku dayi doonaan inay keenaan ciyaartoy weerar ah.
“Waan ku faraxsanahay inuusan ugu danbeyn halkaan imaanin. Sidaan ayay ku fiican tahay. 25 sanno oo aan ganacsiga kubada cagta ku jiray ma aanan arkin wax sidaan oo kale ah.” ayuu hadalkiisa raaciyay.