
Kooxda reer Italy ayaa suuqa ugu jirtay xagaagan saxiixoodii seddexaad oo isku xiga, waxaana ay soo xerogeliyeen Aquilani oo amaah ugu soo ciyaaray Juventus iyo Milan balse labada kooxood ay ku guuldareysteen inay heshiis la gaaraan Liverpool.
Fiorentina ayaa xagaagan lala xiriirinayay ciyaaryahankii hore ee Roma, waxaana sida laga soo xigtay milkiilahooda uu sheegay in la dhameystiray heshiis joogta ah oo ay ciyaaryahanka kula soo wareegayaan.
“Waxaan la soo wareegnay Aquilani” ayuu Andrea Della Vale si kooban ugu joogay saxaafada isagoo ku sugnaa saaka xarunta tababarka ee kooxdiisa.
Ciyaaryahanka ayaa lagu so waramayaa inuu ku sugan yahay maanta Florence si uu tijaabada caafimaadka u maro islamarkaana uu u saxiixo heshiiska kooxda.
Aquilani, ayaa la rumeysan yahay inuu Liverpool kaga soo dhaqaaqayo heshiis 7 milyan euro ah, waxaana uu seddex sanno u saxiixayaa Viola isagoo sannadkii qaadan doona 1.7 milyan euro.