
Kooxda Fiorentina ee lagu naaneyso Viola ayaa waxa ay mashquul ku ahayd maalmihii la soo dhaafay sidii kooxda loo xoojin lahaa waxayna la soo wareegtay saddex ciyaaryahan oo ka tirsanaa kooxaha Liverpool iyo Villareal.
Hase yeeshee saddexda ciyaaryahan ayaan midna lagu soo darin 11ka ugu horeysey ee kooxda garoonka u soo gashay sababtoo ah waxa ay kooxda ka mid ahaayeen in kayar 48 saacadood.
Kooxda Aris ee ka dhisan dalka Greece ayaa hogaanka ciyaarta qabatay kadib markii uu laacibkeeda Alessio Triantafyllakos uu gool madaxa ugu dhaliyey.
Hase yeeshee Fiorentina ayaa barbareysay kadib markii uu gool u dhaliyey daafaceeda Romula.
Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa goolka guusha waxaa u saxiixay kooxda Viola Ljajic daqiiqadii 56aad.
Rodriguez, Aquilani iyo Borja Valero ayaa kursiga keydka ka soo kacay iyagoo ay ahayd markii ugu horeysey ee ay u saftaan Fiorentina.
Fiorentina: Viviano, Cassani (Rodriguez 60), Nastasic, Roncaglia, Pasqual (Borja Valero 64), Romulo, Olivera (Aquilani 64), Lazzari (Di Tacchio 60) Cerci (Lepiller 81), Jovetic, Ljajic (Seferovic 76)
Aris Salonika: Vellidis, Aslanidis (Oikonomopoulos 50), Giannitsis, Papazacharias, Pantidos, Kaznaferis, Triantafyllakos, Gkesios, Papasterianos, Gianniotas (Angeloudis 52), Iraklis