
Ribery ayaase fikrad guud ka heysta kooxaha England, wuxuuna kooxdiisa uga digay inay quursadaan wiilasha Roberto Di Matteo. “Marka ciyaarta laga hadlaayo waxaa awood badan Barcelona” Ribery ayaa u sheegay jariirada Kicker.
“Laakiin hadii aad fiiriso habka abaabulka, xeeladaha iyo kubadaha laadadka ah Chelsea ayaa ka wanaagsan.”
“Semi-finalkii Chelsea waxay u cayaartay sida inay ku qasban yihiin inay ka horyimaad koox sida Barcelona ah, markii ay yimaadaan Munich waxay ciyaari doonaan hab difaaceed, waxayna leeyihiin hab difaaceed fiican, waana koox is heysata”
“Aad ayeyna noogu adkaan doontaa.”ayuu ku daray Ribery
Bayern Munich ayaa u baahan inay soo kabsadaan marka ay Allianz Arena kusoo dhaweeyaan sabtida Kooxda Blues guuldaradii 5-2 ee ka soo gaartay Dortmund finalkii DFP-Pokal.