
Xiddiga reer France ayaa qirtay inuusan fileynin in Bayern ay final ka gaareyso koobkaan, lakiin waxaa uu xusay inay ka faa’ideysan doonaan fursada ay haatan heleen.
“Kama fekerayo xitaa in guuldarro ay naga soo gaareyso Chelsea. Waxaan jiraa 29, yaa ka warqaba inaan ka soo muuqan doono final kale” ayuu ciyaaryahanka u sheegay website-ka kooxdiisa.
“Ma u maleynayo inaan fursadaan labaad dhawaan heli doono. Waxaan doonayay inaan gaarno meesha ugu macquulsan xilli ciyaareedkan, lakiin marnaba kuma fekerin in aan u dagaalami doono ilaa finalka”
“Finalka ka dhacaya Munich waa mid aan la rumeysan karin, lakiin waxaan qabaa inaan u qalano inaan halkaan soo gaarno. Waxaan rajeynayaa inaan gacmaha isqabsano oo aan qaab ciyaareed fiican kala hortagno Chelsea islamarkaana koobka ku guuleysano. Taas waxa ay noqon laheyd wax weyn.”
Ribery ayaa ganaax ku seegay finalkii Champions League ee 2010 ee ay la ciyaareen Inter, waxaana uu aad u doonayaa inuu ka caawiyo inay markaan ku guuleystaan.
“Maqnaanshageygii finalka haatan ayaan raaligelin ka bixin karaa sababtoo ah waxaan heystaa fursad labaad. Finalka Munich waxa uu la micno yahay inaan ugu danbeyn tirtiri karo xusuustii Madrid”.