
sheegaya inuu u dhaqaaqayo kooxda Mareykanka ee LA Galaxy.
Lampard ayaa lagu arkay isagoo la fadhiya wakiilkiisa Steve Kutner iyo David Beckham
ciyaar ay ciyaareysay kooxda LA Galaxy isbuucii hore, lakiin 34 jirkaan ayaa
sheegay in booqashadiisa LA inay aheyd kaliya mid fasax ah.
Inkastoo uu ku jiro sannadkiisii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa uu isbuucii ka qaato 170
kun ginni Chelsea, Lampard ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii joogo kooxda Blues
oo uu kaga soo biiray West Ham 2001dii.
“Waxba kama jiraan wararka ila xiriirinaya LA Galaxy” ayuu Lampard u sheegay The Sun.
“Waxaan halkaan Los Angeles u joogaa fasax aniga iyo Christine Bleakley. Waa halkii aan
isku mehersanay sannadkii hore, waana jecelnahay inaan halkaan imaano”.
“Wakiilkeyga Steve waxa uu halkaan u joogaa arimo muusik iyo arimo kubada cagta ah, isaga
ayaa soo qaban qaabiyay inaan daawano ciyaarta Galaxy”.
“Beckham ganaax ayuu ahaa kulankaas, sidaasi darted waa uu inala soo fariistay, waana
iska kaftameynay. Waa intaas kaliya”.