
biiray kooxda horyaalka China ee Beijing Guoan.
Xiddiga reer Mali ayaa bilowgii todobaadkan sheegay inuu ka fiirsanayo halka uu u
hayaamo, hadii ay ahaan laheyd bariga dhexe, China iyo Mareykanka.
Waxaana uu haatan heshiis labo sanno ah u saxiixay kooxda ka dhisan caasimada China,
kuwaasoo kaalinta 3aad kaga jira horyaalkooda, waxaana ay 7 dhibcood ka
danbeeyaan kooxda Guangzhou Evergrande.
Kanoute ayaa u saxiixay Sevilla 2005tii ka dib labo sanno oo uu la joogay Tottenham,
waxaana uu halyeey ka noqday kooxda Ramon Sanchez Pizjuan, isagoo dhaliyay 136
gool 290 kulan oo uu saftay.
Intii uu joogay Spain, ciyaaryahankii ku guuleystay laacibka sannadka Afrika 2007dii
ayaa ka caawiyay Sevilla inay qaado labo Uefa Cup, hal Uefa Super Cup, labo Copa
del Rey iyo hal Spanish Supercopa.