
“Halkan Barcelona, dhamaanteen waan faraxsanahay,”ayuu Freixa u sheegay weriyaasha maanta,isagoo ka fogaanayay inuu si toos ah uga hadlo arrimaha Real Madrid kahor intii uusan ka jawaabin su’aal ahayd wararka la isla dhex marayo ee ah dib u cusbooneysiinta heshiiska uu Messi kooxda kula joogo.
“Messi wax walba waa u qalmaa, taasoo u horseedeysa waddo toosan kooxda. Maanta ma jiro wax lagu sii daro arrintaas.
“Haddii uu ciyaaryahan doonayo in uu ka hadlo kunturaadisa ama heshiiskiisa, waanu la fariisanaynaa oo aan la hadlaynaa mana jirayo wax khilaaf ah.”ayuu yiri xoghayaha guddiga kooxda Barca.
Freixa waxa sidoo kale uu ka jawaabay hadal ka soo yeeray ruug cadaagii hore Johan Cruyff oo uu ku tilmaamay Madaxweyne Sandro Rosell in uu wax badan ku bixiyo arrimaha dhaqaalaha intii uu ku bixin lahaa kooxda Barcelona.
“Fikir kasta oo mid kamid ah laacibiintii ugu wanaagsanayd iyo tababarayaasha taariiqdeena soo maray waan tixgelineynaa. Balse weydiiya Cruyff in uu ka soo qeybgalo sida ay u socdaan howl maalmeedka kooxda runtii wuu ku farxi lahaa.”
Afhayeenkan ayaa la weydiiyey hindisaha ugu dambeeyey ee xiriirka kubbada cagta Spain ee ah in lagu ciyaaro shanta sano ee soo socota koobka Super Cup dalka Shiinaha.
“Rasmi ahaan, kama helin wax hindise ah oo arrintan ku saabsan xiriirka kubbada cagta , waxa aan heleyno waa uun warar la soo weriyey. Balse haddii nala weydiin lahaa waxaan ku jawaabi lahayn in aan jecelnahay in dalka Spain lagu ciyaaro marwalba.”