
Emmanuel Frimpong ayaana qiray in guushii Chelsea ay ka gaartay Bayern Munich ay aheyd mid ka mid ah waqtiyadii ugu xumaa isagoo ku daray inay aad u dheereed goor sheegtadu, maxaa yeelay wuxuu ku han weynaa in Arsenal ay noqoto kooxdii ugu horeysay oo London ka dhisan kuna guuleysata Champions League.
Chelsea ayaa kaga adkaatay Rigoorayaal Kooxda Bayern Munich ka dib markii uu gool u dhaliyey Bavarians xidigooda Thomas Muller ciyaarta oo ay ka dhiman tahay 7 daqiiqo Drogba ayaana ahaa ninkii Chelsea u barbareeyey. Iyadoo Petr Cech uu gool ku laad ka badbaadshay Arjen Robben waqtigii dheeriga ahaa ka hor inta guusha u uusan rigooradii dhalin Didier Drogba.
“Malaha waxay ii aheyd maalin xun,waqtiga ayaa aad iigu dheeraa,”ayuu u sheegay shabakadda Goal.com.
“Waxaan doonaayey in Arsenal ay noqoto kooxdii ugu horeysay ee London ka dhisan oo ku guuleysata Champions League,laakiin sida cad taasi ma dhicin.
“Waan u hambaleynayaa Chelsea, waxaan ku rajo weynahay inay ku raaxeysteen waqigooda” ayuu ku daray.