
Tottenham ayaa ogolaansho loo siiyay inay la hadli karaan ciyaaryahanka Fulham Moussa Dembele ka dib markii labada kooxood ay ka heshiiyeen saxiixa ciyaaryahanka.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium ayaa ku jira sannadkiisii ugu danbeeyay ee Craven Cottage, waxaana uu seegay kulankii Fulham ay guuldarrada ka soo gaartay Capital One Cup ee Sheffield.
Dhinaca kale Fulham ayaa wadahadalo kula jirta Kieran Richardson ka dib markii ay Fulham iyo Sunderlan ay isku afgarteen heshiiska ciyaaryahanka.
Tababaraha Black Cats Martin O’Neill ayaa xaqiijiyay in dalabka Fulham ee 27 jirkaas in la aqbalay.