
Carli Lloyd ayaa labada gool xulka Maraykanka u dhalisey iyadoo kala dhalisey labadii qeyb ee ciyaarta waxaana xulka gabdhaha Japan goolka ay keensadeen u dhalisey Yuki Ogimi dhamaadkii qeybtii labaad ee ciyaarta.
Maraykanka ayaa saddexdii jeer ee ugu dambaysay ku guuleystey billada dahabka tartanka Olympikada iyadoo gabdhaha Maraykankana ay yimaadeen finalka tartankan lix jeer tan iyo sanadkii 1996.
Kulanka fiinaalka ayaa waxaa u soo daawasho tegey dad gaaraya 80,203 iyadoo ciyaartana ay ka dhacday garoonka Wembley Stadium wuxuuna ahaa dadkii ugu badnaa ee u soo daawasho tago gabdho ciyaarayo kubbada cagta.
Labada xul ee Maraykanka iyo Japanka ayaa ku kulmay kulankii finalka ee horyaalkii adduunka ee gabdhaha sanadkii 2011 waxana uu ku dhamaaday daqiiqadihii loogu talogalay 2-2 hase yeeshee rigoorayaal loo dhigey ayaa waxaa ku badiyey xulka gabdhaha Japan.
Xulka gabdhaha Maraykanka ayaa bilowgii ciyaartaba waxa ay hogaanka u qabteen ciyaarta iyagoo muujiyey awood badan waxana taasi u suurtogelisey in goolka u horeeyeyba ay dhaliyeen ciyaarta oo socota 8daqiiqo waxana goolka uu ahaa mid ay madaxa ku dhalisey gabadha Lloyd. Guud ahaan intii uu socday tartankan ayaan gabdhaha Maraykanka aan marna laga badin waxayna billada dahabka qaateen iyagoo aan marna dhinacooda dhulka la dhigin.
Waxaana goolkii labaad ay isla gabadhan dhalisey qeybtii labaad ee ciyaarta marka ay socotay 54 daqiiqo. Lloyd ayaa goolkii guusha ee ciyaarihii Olymbikada 2008 ahayd tii ka dhalisey gabdhaha Brazil.