
Barry ayaa baaritaan lagu sameyn doonaa maanta ka dib markii uu soo gaaray
dhaawac sababi kara inuu seego ciyaaraha Euro 2012.
Ciyaaryahanka
khadka dhexe ayaa soo galay qeybtii labaad ee kulankii ay England 1-0 kaga
badisay Norway, lakiin ma uusan ciyaarin xitaa nusa saac ka hor inta uusan
dhibaato ka sheegan lugta, taasoo madax xanuun weyn ku abuuri karta tababare Roy
Hodgson.
Hodgson
ayaa UEFA u gudbin doona maalinta talaadada 23kiisa ciyaaryahan ee xulka England
u matalaya koobka Euro, taasoo keeneysa inuu dhaqso u ogaado xaalada ciyaaryahan
hadii ay tahay mid halis ah ama hadii uu yahay dhaawac fudud.
“Weli
lama aanan hadlin dhaqtarka lakiin ilaa iyo isniinta jawaab ma sugi doono” ayuu
yiri Hodgson.
“Waxaan
qabaa inaan jawaabta xaalada ciyaaryahanka heli doono berri [maanta]. Gareth
waxa uu u baahan yahay baaris. Waxaan qiyaasayaa inay taasi dhici doonto berri
[maanta]“.
Barry
ayaa sidoo kale shaki uu ku jiray caafimaadkiisa labo sanno ka hor koobkii
adduunka.
Inkastoo
Fabio Capello uu soo watay markaas, hadana dhibaato ayay ku keentay tababaraah
Talyaaniga xiligaas, ka dib markii Barry uu soo bandhigay kulankii ay la
ciyaareen United States ee koobka adduun qaab ciyaareed aad u hooseeya.