
Neville ayaa ciyaaraha kubada cagta ka fariistay Febraayo 20112 isagoo 85 kulan u saftay xulka England islamarkaana sideed horyaal la qaaday United, waxaana uu falanqeeye dhanka ciyaaraha ka ahaa xilli ciyaareedkan TV-ga Sky Sports.
Si kastaba, waxa uu haatan aqbalay inuu la shaqeeyo tababaraha cusub ee xulka England ka hor ciyaaraha Euro 2012, isagoo heshiis afar sanno ah u saxiixay xiriirka kubada cagta Ingariiska ee FA-ga.
Hodgson ayaa u sheegay website-ka FA-ga: “Gary wax badan ayuu qabsaday inuu kubada cagta ku dhex jiray, intii uu ciyaaryahan u ahaa Manchester United iyo xulka England”
“Waxa uu ogolaanshihiisa tababarka ka helay UEFA, waxaana ciyaartoyda ay ku ixtiraamaan khibarad uu leeyahay ciyaaryahan ahaan”.