
Ciyaaryahankii hore ee xulka Qaranka Talyaaniga ayaa la filayay inuu ku biro kooxda Turkiga ee Galatasaray, lakiin waxa uu heshiis labo sanno u saxiixay kooxda ka ciyaarta horyaalka Switzerland.
Gattuso ayaa sidoo kale doonayay inuu markii hore ku biro kooxdiisii hore Rangers, lakiin kooxda reer Scotland ayaa boos u weysay ciyaaryahanka reer Italy madaama ay ku jiraan xaalad xun oo dhaqaale darro ah.
Gattuso ayaa San Siro kaga soo biiray Salernitana sannadkii 1999kii, isagoo ku guuleysto labo Scudetto iyo labo Champions League intii uu joogay Diavolo.