
Warar laga helayay ilo saxaafada Spain ah ayaa sheegayay in uu jiray isku dhac ka dhexeeya ciyaartoyga iyo macalinkiisa bishii March, sidaa daraadeedna Guardiola uu doonayay in Pique aanu ka mid noqon kooxda xili ciyaareedka 2012-13 hadii uu kooxda joogo.
Pique ayaan marnaba ku soo hadal qaadin saxaafada war ku saabsan arrintan inkastoo uu mararka qaar fadhiyay kursiga kaydka mudooyinkii ay arrintani socotay. Pique ayaa ku adkaysanayay in uu sii joogi doono kooxda mustaqbalka.
“Waligay wax dhib ah nagama dhexayn Guardiola, si fool ka fool ah ayaan uga wada hadli jirnay arrimaha marka ay taagan yihiin. waxaan doonayaa inaan kooxda sii joogo, inkastoo xaqiiqdii dadka qaar ka hadli doonaan tagitaan marka lagaadho xagaaga” ayuu Pique u sheegay TV3.
Dhinaca kale mar uu ka hadlayay tagitaanka Guardiola iyo macalinka cusub waxa uu yidhi:
“Hadii uusan Guardiola sii joogayn, waxa jira wax ku qanciyay inay tahay xiligii uu tagi lahaa” ayuu Pique sii raaciyay.
“Qolka labiska markii aan ku sugnayn layaab nagumay noqon in Tito Vilanova uu noqon doono macalinka cusub. waxa uu muujiyay in uu leeyay dabeecad wanaagsan markii uu riixay Jose mourinho ciyaartii Super Copa kadib markii uu Morinho isha farta ka galiyay”.
Pique ayaa dib ugu soo laabtay tartanka La Liga 2008 dii, isagoo ka maqnaa afar sano oo uu la joogay kooxda Manchester United.