
25 jirkaan daafaca dhexe ayaa ka maqnaa kulanii barbaraha 2-2 ay la galeen Real Madrid, laakiin waxa uu dib u soo nooleeyay dagaalka dhanka afka ah ee kala dhaxeeya tababaraha reer Portugal.
Pique ayaa sheegay in Mourinho uu ka dabcay sidii hore islamarkaana dhibtii uu la raadin jiray Barcelona inay haatan isaga ku heysato qolkiisa labiska.
“Waa iska cadahay inuusan xafiiltan isku mid ah u haayin Barcelona Mourinho sidii xilli ciyaareedkii hore.” ayuu Pique u sheegay Catalunya Radio.
“Mourinho waxa uu ogaaday inuusan u baahneyn wax uu ku fiiriyo Barcelona sababtoo ah wax dhibaatooyin ah kama helayo.
“Waxaana haatan ay u muuqataa inuu dhibaatadii uu naga raadinayay ay gurigiisa dhexdiisa ku heysato.”