
27 jirka weerarka ka ciyaara ayaa loo texgelinayaa inuu yahay hanjabaada ugu weyn ee uu filan karo goolhaye Iker Casillas, iyadoo xulka Seleccao ay indhaha ku hayaan inay gaaraan finalka koobka qaramada Yurub markii labaad sideed sanno gudahood.
Xamaasada ayaa kacsaneyd kulamadii ugu danbeysay ee labada ciyaaryahan kooxahooda ay isaga hor yimaadeen, lakiin Pique ayaa sheegay inuu cilaaqaad wanaagsan la leeyahay Ronaldo, islamarkaana xiriirkiisa aysan dhaawacin xafiiltanka ka dhaxeeya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.
“Waxaan iskula soo ciyaarnay Manchester United labo ama seddex sanno” ayuu Pique yiri sida ay qortay jariirada AS.
“Midkeena markaas si fiican ma uusan ugu hadli Karin luqada Ingariiska, sidaasi darted waxaan aheyn kuwa isku dhow. Mar walba waxaa inaga dhaxeeyay xiriir fiican”.
“Mar walba waa wax gaar ku ah inaad ka horimaado ciyaaryahan tayadiisa leh oo kale. Kulankii ugu horeeyay sidii uu rabay uma aysan noqon, lakiin mar walba waa adag tahay in laga horyimaado”.
“Uma ogolaan kartid inaad boos siiso. Kulankaan semi-finalka ma jirto xul ku cadcad”.