
Isagoo ka hadlayay xarunta tababarka ee Inter, ciyaaryahanka reer Italy ayaa shaaca ka qaaday inuusan qeyb ka aheyn qorshaha mustaqbalka ee kooxda.
“Waxaan qabaa in kooxda ay go’aankooda gaareen, waxaana aaminsanahay inaanan qeyb ka aheyn qorshahooda” ayuu Pazzini qirtay.
“Waxaan isku dayi doonaa inaan si aad ah u shaqeeyo oo go’aankooda bedelo, lakiin mar walba daacad ayaan ahay sida aan haatan ahay oo kale”.
27 jirkaan ayaa heshiis afar sanno iyo bar ah u saxiixay Inter Janaayo 2011, isagoo kaga soo biiray Sampdoria.
Pazzini ayaa 11 gool u dhaliyay 17 kulan oo uu saftay kala bar xilli ciyaareedkii 2010-11, ka hor inta uusan ka dhicin qaab ciyaareedkiisa oo uusan u dhalin Inter shan gool 33 kulan oo uu u saftay xilli ciyaareedkii hore.
Pazzini waxaa xiiseyneysa kooxda Sampdoria, waxaana sidoo kale diirada saaratay Lazio.