
Halka tababare Sir Alex Ferguson isna loo xushay inuu yahay tababarihii ugu fiicnaa ee soo mara Premier League 20kii sanno ee uu jiray. Abaalmarinada ayaa waxa ay qeyb ka yihiin Premier League oo u dabaaldageysa sannadguuradii 20aad ee markii magacaas loo bixiyay horyaalka Ingariiska, waxaana u codeeyay qabiiro isboorti, suxufiyiin iyo raga ciyaaraha falanqeeya.
Ferguson ayaa macalin ka soo ahaa Premier League taariikhdii uu jiray oo dhan, isagoo ah tababaraha ugu guulaha badan Premier League isagoo ku guuleysto 12 horyaal.
Ryan Giggs ayaa isna loo magacaabay ciyaarayahankii ugu fiicnaa taariikhda Premier League ayaa isna ku guuleystay 12 horyaalka oo Premier League ah.
Labada nin ciyaaryahanka iyo macalinkiisa ayaa qaaday koobkii ugu horeeyay ee taariikhda Premier League 1992-93.