
dhaawacayo xulka qaranka Three Lions.
Ka hor finalka Euro 2012 ee ay xulkiisa la ciyaarayaan Spain, Buffon ayaa aaminsan
in ajaaniibta ka ciyaarta Premier League inay qarisay tayadii ciyaartoy u
dhalatay England. Manchester City, Chelsea iyo Arsenal ayaa si gaar ah loogu
eedeeyaa inay doortaan xiddigo aan Ingariis aheyn, waxaana Buffon oo 34 jir ah
uu sheegay in Premier League uu yahay horyaalka ugu fiican adduunka lakiin ay
saameyn ku yeelatay abaarta koobabka ka heysa England muddo 46 sanno ah.
“Inaad heysato horyaal xamaasad leh micnaheeda ma ahan inaad heysato ciyaartoy tayo
leh” ayuu yiri.
“Muddo sannado ah, horyaalka Ingariiska waxa uu ahaa horyaalka ugu fiican marka ay
timaado dhanka tayada”.
“Lacagta taala horyaalka ayaa waxa ay la micno tahay in kooxaha ay soo iibsan karaan
xiddigaha yurub ugu qatarsan ama kuwa adduunka dacaladiisa jooga”.
“Tani xitaa waa ku dhici kartaa Spain ama Italy sidoo kale, lakiin horyaalka England
faa’ido uma keeno xulka qaranka”
“Iyadoo la marayo xilligan casriga ah, waa adag tahay. Waxaad ku dhibtooneysaa inaad
heysato ciyaartoy wadankaaga ah oo ka ciyaarta horyaalka ugu sareeya
wadankaaga”.