
Ninkan u dhashay Italy ayaa dhaawac soo gaaray kulan ay The Old Lady ay 3-1 kaga talaabsadeen Kooxda Atalanta, kana tirsanaa Serie A, Chiellini ayaase ciyaarta laga saaray daqiiqadii 88aad ee ciyaarta.
Welina lama ogaan inta uu Chiellini kaga maqnaan doono Garoomada dhaawacaan kasoo gaaray Cajirka, laakiin Conte ayaa cadeeyey inuu Chiellini seegi doono kulanka finalka ay la leeyihiin Napoli 20ka May.
“Waxaa ay aheyd xanuun cajirka kasoo gaaray wuxuuna xaqiiqdii uga maqnaan dooonaa finalka Coppa Italia, laakiin wuxuu u baahan yahay baaritaano” Tababaraha Juve ayaa sidaasi u sheegay saxaafada.
27 jirkaan ka ciyaara daafaca ayaa ka mid ah ciyaaryahanada xulka Talyaaniga ee tababare Cesare Prandelli uu ku xisaabtamaayo inuu kula soo shirtago Euro 2012.