
Spain ayaa ciyaarta inteeda badan heysatay waxaana hogaanka u dhiibay Sergio Ramos, laakiin ciyaar adag ka dib, dhamaadkii ciyaarta oo Giroud uu bedalay Benzema ayaa France ay heshay barbaro aysan filaneynin.
Dhanka kale xulka Italy waxa ay 3-1 ku garaaceen xulka Denmark, iyadoo goolasha ay uga mahadcelinayaan Montolivo, De Rossi iyo Mario Balotelli, waxaana Azzurri casaan toos ah ka qaatay Osvaldo.
Jarmalka iyo Sweden ayaa iyagana ay dhexmartay ciyaar xiiso leh, waxaana ay ku kala baxeen barbaro 4-4 ah, kulan ka tirsan isreebreebka koobka adduunka.
Waxaa la yaab laheyd in Jarmalku ay ku hormareen afarta gool, oo labo ka mid ah uu dhaliyay Klose, halka labada gool kale ay ka yimaadeen Mertesacker iyo Ozil, laakiin Sweden ayaa afar gool iyadoo lagu leeyahay dib ka soo dagaalantay.
Ibrahimovic ayaa gool u soo celiyay, ka hor inta aysan shabaqa soo taaban Lusting iyo Elmander, laakiin goolka barbaraha ayay dhaliyeen dhamaadkii ciyaarta iyadoo kubad uu shabaqa ku hubsaday Elm.
Xulka Netherlands ayaa isna 4-1 kaga talaabsaday xulka Romania oo ay marti u ahaayeen, waxaana goolasha Netherlans labo gool oo ka mid ah dhaliyay Van der Vaart iyo Robin van Persie.
Xulka Turkiga oo ay isku group-yihiin Holland isreebreebka koobka adduunka ayaa iyagana waxa ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Hungary.