
Kooxda difaacaneysa horyaalka Serie A ayaa labo gool oo looga harmaray waxa ay ku barbareysay 2-2 garoonka Stamford Bridge, iyadoo uga mahadcelineysa goolal ka yimid Arturo Vidal iyo Fabio Quagliarella.
Ka dib barbarahoodii London, Juventus ayaa sii dheereysatay kulamada aan dhinaca dhulka loo dhigin Serie A, iyagoo haatan sii maraya 45 kulan.
Kooxda Antonio Conte ayaa xaqiijisatay guulo ay ka gaareen Chievo iyo Roma, halka ay sidoo kale barbaro goolal la’aan ah la galeen kooxda Fiorentina.
Waxaana Juventus ay isku diyaarineysaa in kulankeedii ugu horeysay ee Champions League ay ku martiqaado garoonka cusub ee Juventus Stadium kaasoo ay u soo guureen bilowgii xilli ciyaareedkii 2011-12, waxaana ay ka horimaanayaan koox iyagaba aan in muddo ah dhinacooda dhulka la taabsiinin.
Shakhtar, oo difaacaneysa horyaalka Ukraine, ayaa 2-1 ku dardartay sabtidii kooxda Europa League ka qeyb qaadaneysa ee Dinipro Dnipropetrovsk kulan ka tirsan horyaalkooda, waxaana ay marayaan guushii 25aad ee isku xigta ee taratamada oo dhan ka dib markii kulankoodii ugu horeeyay ee Group E Champions League ay 2-0 ku dubteen kooxda Norsjaelland.
Labada kooxood ayaa heysta weeraro qatar ah waxaana kulankaan laga filan karaa inuu noqdo mid ilqabad leh iyadoo masraxa ay saaran yihiin Sebastian Giovinco iyo Henrikh Mkhitaryan.
Giovinco ayaa seddex gool dhaliyay shan kulan oo Serie A uu saftay, halka Mkhitaryan uu shabaqa soo taabtay 13 jeer 10kii kulan ee ugu danbeysay ee Shakhtar ee tartamada oo dhan.