
Buffon
Lucio, Barzagli, Chiellini
Isla, Marchisio, Pirlo, Giaccherini, Asamoah
Vucinic, Quagliarella
CHIEVO
Sorrentino
Sardo, Dainelli, Cesar, Jokic
Vacek, Rigoni, Hetemaj
Thereau, Cruzado
Pellissier
Juventus ayay u badan tahay inay dib u soo dhaweyn doonto Lucio oo dhaawac ku maqnaa, iyadoo lagu wado inuu kulankiisii ugu horeeyay ku soo bilowdo Serie A. Kooxda difaacaneysa horyaalka Talyaaniga ayaa raadineysa inay seddex dhibcood ku hesho garoonkeeda ka dib barbaro ay Stamford Bridge kula soo galeen Chelsea koobka Champions League.
Arturo Vidal, oo dhaliyay mid ka mid ah goolashii Champions League ee isbuucaan, ayaa dhaawac yar uu ciyaartaas ka soo gaaray, waxaana ay u badan tahay in la nasasiin doono, iyadoo ciyaaryahanka boosaska badan ka ciyaari kara ee Maurico Isla uu buuxin doono booskiisa, halak Kwadwo Asamoah isna la filayo inuu xajisto booskiisa garabka bidix ee khadka dhexe.
Fabio Quagliarella ayay u badan tahay in lagu soo bilaabi doono afka hore ka dib goolkii barbaraha ee uu dhaliyay kulankii Champions League, inkastoo laga yaabo in Alessandro Matri lagu soo bilaabo hadii Antonio Conte uu doono inuu wax ka bedelo weerarkiisa. Conte ayaa ganaax 10 bilood ah ku maqan lakiin waxa uu sameyn karaa tababarka kooxda iyo isagoo shaxda kooxda dejin kara.
Dhinaca kale Chievo ayaa la soo shirtagi doonta kooxda la mid ah tii ay guulrada 3-1 ka soo gaartay kooxda Laziop.
MA OGTAHAY?
- Juventus ayaa barbaro la gashay kooxda lagu naaneeso Dameerada Duula afartii kulan ee ugu danbeysay. Guushii ugu danbeysay ee ay ka gaaraan waxa ay aheyd 2009, markaasoo ay 1-0 kaga badiyeen gool uu dhaliyay Vincenzo Iaquinta.
- Daafaca Juventus Andrea Barzagli ayaa 29 kulan u saftay Chievo xilli ciyaareedkii 2003-04.
- Kooxda Bianconeri ayaa kulankaan ciyaareysa iyadoo aan weli dhinaceeda dhulka la dhigin horyaalka Serie A 42 kulan oo isku xigta.
- Chievo ayaa hal kulan badisay xilli ciyaareedkan, ka dib markii ay 2-0 ku direen kooxda Bologna.
- Kooxda Dameerada Duula ayaa afar barbaro iyo hal guul ka heysata Juventus shantii kulan ee ugu danbeysay ee Serie A.